Washington (Dawan) – Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidanka dalkiisu bilaabeen waxa uu ku tilmaamay “howlgallo dagaal oo waaweyn” oo lagu bartilmaameedsanayo Iiraan, isaga oo sheegay in ujeeddadu tahay ka hortagga hanjabaado degdeg ah oo uu ku eedeeyay inay ka imaanayaan dowladda Iiraan, iyo in laga ilaaliyo helitaanka hub nukliyeer ah.
Khudbad uu maanta jeediyay ayuu ku sheegay in ololahan milatari uu yahay mid lagu difaacayo shacabka Mareykanka, ciidamadiisa ku sugan dibadda, iyo xulafadiisa. Wuxuu Iiraan ku eedeeyay inay taageerto kooxo hubeysan oo ka hawlgala Bariga Dhexe, isla markaana ay muddo tobanaan sano ah ku lug lahayd weerarro ka dhan ah danaha Mareykanka.
Sida uu sheegay Trump, Mareykanku horey ayuu u beegsaday xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz iyo Isfahaan, si loo wiiqo barnaamijkeeda nukliyeerka. Wuxuu xusay in Washington ay isku dayday xalal diblomaasiyadeed, balse Iiraan ay diiday inay ka tanaasusho hamigeeda nukliyeerka. Trump ayaa carrabka ku adkeeyay in ka hortagga helitaanka hub nukliyeer ah ay weli tahay siyaasad muhiim u ah Mareykanka. “Waxaan hubin doonnaa in Iiraan aysan helin hub nukliyeer ah.
Farriintu waa mid aad u cad,” ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadu beegsan doonaan kaabayaasha gantaallada iyo awoodaha milatari si loo hubiyo in Iiraan aysan khatar ku noqon Mareykanka iyo xulafadiisa. “Waxaan burburin doonnaa gantaalladooda, waxaana gebi ahaanba baabi’in doonnaa warshadahooda gantaallada,” ayuu yiri Trump.








