Qaahira (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa ku baaqday dadaal caalami ah oo mideysan si loo soo afjaro colaadda muddada dheer ka taagnayd dalka Suudaan, iyadoo ka digtay in dadaallada kala qeybsan ama is barbar socda aysan keeni karin xal waara oo wax ka qabta musiibada bini’aadantinimo ee dalkaasi ka jirta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa baaqan ka jeediyay kulan latashi oo heer sare ah oo Arbacadii ka dhacay magaalada Qaahira, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-hadallada nabadda ee Suudaan. Wasiirka ayaa xusay in Jabuuti, oo haatan haysa madaxtinimada meertada ah ee Urur-goboleedka IGAD, ay aaminsan tahay in xal waara lagu gaari karo oo kaliya isku-duwid dhab ah oo u dhexeysa dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
“Soo afjaridda colaadda ka taagan dalka walaalaheenna ah ee Suudaan waxay u baahan tahay is-kaabid iyo isku-duwid dhab ah oo dhex marta dhammaan hindiseyaasha nabadeed,” ayuu yiri wasiirku, isagoo carrabka ku adkeeyay in mudnaanta koowaad ay tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran, kana turjumaya rabitaanka dhammaan dhinacyada Suudaan.
Dagaalka Suudaan, oo billowday bishii Abriil 2023, kaddib markii ay isku dhaceen Ciidanka Qalabka Sida ee Suudaan iyo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah, ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu halista badan caalamka, iyadoo malaayiin qof ay ku qasbanaadeen inay ka barakacaan guryahooda, halka hay’adaha caalamiga ahna ay ka digeen khatar macluul oo baahsan.



