Jabuuti, 1 Maarso 2026 (Dawan)– Booliska Jabuuti ayaa xiray 24 qof, isla markaana gacanta ku dhigay 2.7 kiiloogiraam oo maandooriye ah intii uu socday howlgal toddobaadkan lagu qaaday kooxaha ka ganacsada iyo kuwa isticmaala daroogada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidanka Sabtidii.
Howlgalladan oo ka dhacay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan caasimadda iyo magaalada waqooyiga ee Tadjourah, ayaa qayb ka ah olole qaran oo la xoojiyay oo lagu doonayo in lagu xakameeyo fiditaanka walxaha sharci-darrada ah ee gudaha Jabuuti.
Magaalada Tadjourah, mas’uuliyiintu waxay ku qabteen saddex qof oo looga shaki qabo inay yihiin ganacsato waaweyn, iyagoo ka qabtay 2.2 kiiloogiraam oo xashiish ah.
Xaafadda PK12 ee caasimadda, saraakiishu waxay ku xireen qof looga shaki qabo inuu yahay ganacsade, waxayna ka soo qabteen lacag dhan 105,000 Faranka Jabuuti ($590), taasoo la rumeysan yahay inay ka timid iibka daroogada.








