Jabuuti, 20 December 2025 (Dawan)– Booliska Jabuuti, gaar ahaan cutubka qaabilsan La-Dagaallanka Maandooriyaha, ayaa qabtay 63 xirmo oo xashiish ah, islamarkaana xiray lix qof, kaddib hawlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan magaalada Jabuuti.
War qoraal ah oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Facebook ee Booliska Jabuuti ayaa lagu sheegay in hawlgalkan lagu burburiyay shabakad ka ganacsata daroogada oo abaabulnayd, taasoo muddo ka hawlgeli jirtay xaafadahaas, isla markaana lahayd goobo iib oo kala duwan. Shabakaddan ayaa leh qaab-dhismeed heerar kala duwan, iyadoo ballaarisay goobaha ay daroogada ku iibiso si ay u kordhiso saameynteeda, hase yeeshee ugu dambayn waxaa ka daba tegay Booliska oo soo afjaray.
Sidoo kale, hawlgalka waxaa lagu qabtay kiniiniyo sharci-darro ah oo qeyb ka ahaa waxyaabaha shabakaddaasi ka ganacsan jirtay. Lixda qof ee la qabtay ayaa loo gudbiyay xafiiska xeer-ilaaliyaha, halkaas oo lagu waydiin doono su'aalo dheeraad ah.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa tilmaamay in hawlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu la dagaallamayo daroogada, iyo shabakadaha khatarta ku ah ammaanka iyo caafimaadka bulshada. Waxay sidoo kale xuseen in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay horseedayaan in la yareeyo saameynta daroogada, laguna sugo nabad-gelyadaiyo caafimaad bulshada dhexdeeda.
Hawlgalka ayaa sidoo kale muujinaya feejignaanta Booliska Jabuuti ee ka hortagga dambiyada, gaar ahaan kuwa halista ku ah dhallinyarada iyo bulshada, iyagoo adeegsanaya qorsheyaal xirfadeed iyo kormeer joogto ah oo lagu hubinayo meelaha daroogada lagu iibiyo.

