Jabuuti (Dawan)– Dawladda Jabuuti ayaa Shirkadda Maalgashiga Caalamiga ah ee Touchroad, oo fadhigeedu yahay dalka Shiinaha, siisay dhul dhan 142 hectare oo ku yaalla gobolka Carta, si loogu fuliyo wejiga labaad ee mashruuca casriyeynta magaalooyinka ee loo yaqaan “Smart City”.
Go’aankan ayaa lagu ansixiyay fadhigii labaad ee Golaha Wasiirrada Jabuuti oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo dhulku ku yaallo waqooyi-galbeed isgoyska Carta iyo Weeca. Mashruuca cusub ayaa lagu wadaa in laga hirgeliyo dhismayaal casri ah oo isugu jira guryo deegaan, xarumo ganacsi, hudheello iyo guryo loogu talagalay dadka dakhligoodu hooseeyo.
Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu dardargelinayo ballaarinta magaalooyinka, casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye oo waara. Mashruucan ayaa daba socda maalgashi hore oo shirkadda Touchroad ay ku bixisay mashruuca “Smart City” ee caasimadda Jabuuti, kaas oo lagu qiyaasay ku dhowaad 150 milyan oo doollar.
Dawladda Jabuuti waxay tilmaantay in qoondaynta dhulkan ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee ay maalgashadayaasha caalamiga ahi ku qabaan xasilloonida siyaasadeed, sharciyeed iyo jawiga ganacsi ee dalka, taas oo Jabuuti ka dhigtay xarun istaraatiiji ah oo maalgashi ku leh Geeska Afrika.






