Tansaaniya, 7 Maarso 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa subaxnimadii maanta oo Sabti ah ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo Shir Madaxeedka 25-aad ee caadiga ah ee Madaxda Dawladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Shir madaxeedkan ayaa halkudhig looga dhigay “Xoojinta Is-dhexgalka si loo hagaajiyo nolosha muwaadiniinta Bulshada Bariga Afrika.” Ajandaha shirka waxaa ka mid ah daah-furka Dammaanad-qaadka Kastamka Bulshada Bariga Afrika, kaas oo ah nidaam maaliyadeed oo mideysan oo loogu talagalay in lagu fududeeyo dhaqdhaqaaqa badeecadaha gudaha dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.
Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii dhawaan la oggolaaday in Soomaaliya ay bilowdo bixinta baasaboorka elektaroonigga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ah tallaabo lagu waafajinayo dalka hab-maamuuska gobolka ee la xiriira socodka dadka.








