Jabuuti, 23 Janaayo 2026 (Dawan)— Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, ayaa Khamiistii guddoomiyay kulan heer sare ah, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegis istiraatiiji ah oo lagu sameeyay nidaamka qaran ee ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
Shirka waxaa ka qeyb galay xubnaha Guddiga Isku-duwidda Qaranka, oo ah hay’adda hagta siyaasadaha la xiriira ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo ay goob joog ahaayeen wasiirro, Xoghayaha Guud iyo Madaxa Xafiiska Ra’iisul Wasaaradda, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaranka ee Macluumaadka Maaliyadeed, iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan hay’addaas.
Intii uu socday kulanka, guddigu wuxuu dhageystay warbixin ku saabsan horumarrada ay Hay’adda Qaranka ee Macluumaadka Maaliyadeed gaartay tan iyo markii la aasaasay. Warbixinta ayaa tilmaantay hirgelinta nidaam hawlgal oo casri ah oo lagu qaabilo, lagu falanqeeyo laguna gudbiyo xogta maaliyadeed, xoojinta iska-ashiga hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyo ka-qeybgalka hay’addu ku leedahay qiimeynta wadajirka ah ee ay hoggaaminayso GAFIMOAN, oo ah hay’ad goboleed xiriir la leh Kooxda Caalamiga ah ee La-Dagaallanka Lacag-Dhaqidda.
Kaddib wada-tashiyada, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ansixiyay miisaaniyadda Hay’adda Qaranka ee Macluumaadka Maaliyadeed ee sanadka 2026, taas oo siinaysa hay’adda madaxbannaani dhaqaale si loo xoojiyo hufnaanta iyo wax-qabadka hawlaheeda.





