Soomaaliya (Dawan)— Heerka sicir-bararka sannadlaha ah ee Soomaaliya ayaa kor u kacay 5.1% bishii Diseembar 2025, waxaana kororkaas horseeday qiimaha adeegyada iyo cuntada, sida uu Arbacadii shaaciyay Xafiiska Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliya (SNBS).
Kororka sannadlaha ah ayaa ka tarjumaya sare u kac dhanka qiimaha marka loo eego celceliska sannadlaha ah ee 2024 oo ahaa 3.7%. Marka la eego heerka bishii Diseembar, Tusmada Qiimaha Macmiilka (CPI) waxay kordhay 0.7%. CPI waa cabbirka ugu muhiimsan ee sicir-bararka dalka, waxaana loo adeegsadaa in lagu haggo siyaasadda lacagta iyo maaliyadda si loo ilaaliyo xasilloonida dhaqaalaha.
Xafiiska ayaa sheegay in kororka ugu weyn ee qiimaha sannadlaha ah laga dareemay adeegyada maqaayadaha iyo hoyga oo kordhay 14.1%, waxaana ku xigay daryeelka shakhsiga ah iyo adeegyada bulshada oo kor u kacay 11.0%.
Adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ayaa iyaguna kordhay 10.6% iyo 8.6% siday u kala horreeyaan, halka cuntada iyo cabitaannada oo muhiim u ah nolosha qoyska Soomaaliyeed ay korodhay 6.6%.






