Baydhabo (Dawan) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay kordhisay dhaq-dhaqaaqyo militari oo ka socda deegaannadeeda, iyadoo ka digtay in xaaladdu u horseedi karto colaado ballaaran iyo dhibaato bani’aadamnimo.
War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka xalay oo Isniiin ah ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka dowladda federaalka ay u egyihiin “iska hor keenid militari oo toos ah,” isla markaana khilaafaadka siyaasadeed lagu wajahayo awood ciidan halkii loo mari lahaa hannaan sharci iyo dastuur.
“Xaaladda si degdeg ah uga sii dareysa Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa keentay walaac ku saabsan khatarta colaado baahsan, barakac iyo xaalad bani’aadamnimo oo sii xumaaneysa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Maamulka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo adeegsaday hawlgallo uu ku tilmaamay kuwo diiradda saaraya arrimo siyaasadeed oo gudaha ah halkii ay ahayd in xoogga la saaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Waxaa sidoo kale lagu muujhiyay war-saxaafadeedka walaac la xiriira adeegsiga kheyraadka qaranka iyo taageerada militari ee caalamiga ah, isagoo tilmaamay in loo adeegsanayo xaaladda hadda taagan.
Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xiisaddu sii kordheyso, isagoo ka digay khatar amni oo ballaaran.
