Addis Ababa (Dawan ) – Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, ayaa subaxnimadii maanta oo Arboco ah booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Madaxweynaha Israa’iil waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole International Airport ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Berhanu Tsegaye.
Warbaahinta Itoobiya ayaa booqashadan ku tilmaamtay mid muhiim ah, iyadoo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo hal-abuurnimada.






