Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgallo ballaaran oo ka dhacay dowlad-goboleedka Hirshabeelle in lagu dilay 23 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa Soomaaliya ka taageeray saaxiibbada caalamiga ah ee ka qeyb qaata la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada la dilay ay ku jireen diyaarinta weerarro qorsheysan oo ay ka fuliyaan deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan, oo kii ugu dambeeyay uu dhacay xalay, ayaa socday ku dhowaad toban maalmood, sida lagu xusay bayaanka.
Weerarrada ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Moqokori, deegaanka Waab-weyn iyo Goobo oo hoos taga degmada Maxaas, iyo sidoo kale deegaanka Maxaa Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

.jpg&w=3840&q=75)





