Muqdisho (Dawan)- Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in ciidanka Mareykanku ay toddobaadkii hore laba duqeyn oo cirka ah ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday ururrada Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo hawlgalladaasi lala kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin ololaha wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda hawlgal iyo tan qorsheynta weerarrada ee kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala dalka, kuwaas oo halis ku ah amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Duqeyntii koowaad ayaa dhacday 8-dii Janaayo, waxaana lagu beegsaday Al-Shabaab oo ku sugnaa agagaarka Buur Heybe, oo qiyaastii 154 kiiloomitir dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho. AFRICOM ayaa sheegtay in bartilmaameedku ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab, hase yeeshee ma aysan faahfaahin khasaaraha ka dhashay hawlgalkaas.
Duqeynta labaad ayaa la fuliyay 9-kii Janaayo, waxaana lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Daacish oo ku dhuumaaleysanayay Buuraha Golis, kuwaas oo ku yaalla qiyaastii 33 kiiloomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.




