Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada , Senator hore ee Aqalka Sare iyo Xoghayihii Guddiga Dastuurka
1960kii ayaa u dambeysay in Baarlamaan Soomaaliyeed uu si dimuqraadi ah uga doodo una ansixiyo Dastuur rasmi ah oo ay Soomaalida leedahay. Baarlamaanka maanta jira wuxuu nasiib u yeeshey inuu isaga oo ummadda Soomaaliyeed matalaya ka doodo Dastuurka, anagoo u rajeynayna inuu waajibkiisa ka guto uuna ansixiyo si loo helo Dastuur dhameystiran oo afti dadweyne sugaya.
Umadda Soomaaliyeed waxaa ay ka faa’ideysaa in Dastuurka la ansixiyo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan:
1. Dastuurka waa hortabinta 1-aad ee dawlad-dhiska Soomaaliya, sidaa darteed in Dastuurka la dhameystiro waxay aas-aas u tahay dawladnimo dhameystiran wuxuuna sharciyad dhameystiran siinayaa hay’adaha dastuuriga ah ee heerarka dawladda.
2. Dastuurka wuxuu si wanaagsan u cadeynayaa awoodaha iyo xiriirka wadashaqeyna hay’adaha dawladda (heer federaal iyo heer dawlad goboleedba), taas oo horseedaysa in si hufan ay ummadda ugu adeegaan.







