Jabuuti (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii booqasho shaqo ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, iyo amniga gobolka.
Booqashada Abiy Axmed ayaa waxaa ka mid ahaa kormeer uu ku sameeyay dekedaha waaweyn ee Jabuuti, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Itoobiya. Dalka Itoobiya ayaa ku tiirsan dekedaha Jabuuti in ka badan 95 % ganacsigiisa badda, taas oo ka dhigaysa Jabuuti marin istiraatiiji ah oo aan la beddeli karin, gaar ahaan xilli ay isbeddello juquraafi-siyaasadeed ka socdaan Badda Cas iyo Geeska Afrika.
"Wadahadaladayadu waxay diiradda saareen dhaqdhaqaaqa juquraafi-siyaasadeed, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, saadka (logistics), iyo horumarka," ayuu yiri Abiy oo la hadlay warbahinta Jabuuti. Waxa uu Jabuuti ku tilmaamay "saaxiib qaali ah," halka uu Madaxweyne Geelle ku sifeeyay "hoggaamiye aqoon u saaxiib ah."
Labada hoggaamiye ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada Jabuuti, halkaas oo ay dib-u-eegis ku sameeyeen horumarka laga gaaray barnaamijyada iskaashiga ee labada dal ka dhexeeya. Ilo rasmi ah ayaa sheegay in wada-hadalladu ay ku soo dhammaadeen is-afgarad buuxa, kaas oo saldhig u noqon doona shirka guddiga wasiirrada wadajirka ah ee labada dal, kaas oo lagu wado inuu 19-ka Janaayo ka dhaco Jabuuti.




