Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan degdeg ah oo Golaha Wasiirrada ah, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka, geeddi-socodka doorashooyinka, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.
Kulankan oo aan caadi ahayn, islamarkaana ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubnaha Golaha Wasiirrada, ayaa lagu falanqeeyay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah jihada siyaasadeed, amni iyo midda horumarineed ee dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, iyagoo bogaadiyay dadaallada socda ee lagu sugayo xasilloonida, gaar ahaan doorashooyinkii dhowaan ka qabsoomay caasimadda Muqdisho, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo ku dhacay jawi amni oo wanaagsan.





