Muqdisho, 13 Janaayo 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in go’aanka lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyadii ay Soomaaliya la lahayd Isutagga Imaaraadka Carabta uu ahaa mid lagama maarmaan u ahaa ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada dalka.
Hadalkan ayuu madaxweynuhu ku sheegay khudbad uu maanta jeediyay oo daba socotay go'aankii 12-kii Janaayo ay gaareen Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu joojiyay dhammaan heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka, oo ay ku jireen kuwo la xiriira amniga, gaashaandhigga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay ku celceliyeen falal uu ku tilmaamay xad-gudubyo ka dhan ah nidaamka federaalka iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo sheegay in wada-shaqeyntii socotay ay ku dhisnayd hannaan aan ixtiraamayn jiritaanka Soomaaliya sida hal dal oo mideysan.
“Waxaan dhowr jeer ka codsanay Imaaraadka inay Soomaaliya ula macaamilaan sidii hal dal oo mideysan, madax-bannaan," ayuu yiri madaxweynuhu. Wuxuu intaas ku daray in Imaaraadku ay adeegsanayeen “kanaallo kala duwan” oo ay kula macaamilayeen gudaha dalka, kuwaas oo hareer marayay Dowladda Federaalka.
"Nasiib darro dowladda Imaaraadka noolama dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madaxbannaan. Marar badan ayaan ka dalbannay dowladda Imaaraadka, in ay noola macaamilaan in aan nahay hal dal, oo madax bannaan, mas’uul ah, ayna joojiyaan habka doc faruurka ah ee ay albaabo kala duwan uga soo galayaan dalka" ayuu hadalkiisa raaciyay.






