Soomaaliya, 12 Janaayo 2026 (Dawan) – Afarta Dowlad Gobleed ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Waqooyi Bari, ayaa Isniintan ku dhawaaqay inay joojiyeen dhammaan iskaashigii ay la lahaayeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka, iyadoo tallaabadan ay ka dhalatay khilaaf ka dhashay maamulka xajka sannadkan, iyaga aoo ku eedeeyya dowladda federaalka wadatashi la'aan.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha diinta ee afarta maamul ayaa lagu sheegay in hakinta xiriirka ay khuseyso dhammaan hawlaha federaalka, oo ay ku jirto tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee heer Qaran, isla markaana ay ku eedeeyeen wasaaradda federaalka inay ku guuldarraysatay la tashiga siyaasadaha muhiimka ah ee diinta iyo xadgudub ku saabsan xuduudaheeda dastuuriga ah.
Masuuliyiinta gobollada ayaa si gaar ah u xusey maamulka xajka oo aan loo marin hufnaan ku filan, taas oo saamayn ballaaran ku leh bulshooyinka Soomaaliyeed iyo dhaqaalaha dalka. Waxay ku doodeen in habka hadda ay dowladda federaalku u maamusho arrimaha diinta uu ka hor imanayo nidaamka federaalka ee dastuurku dhigayo.





