Muqdisho – 7 Janaayo 2026 (Dawan)- Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo oo u ymid howlo shaqo oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal.
Wafdiga, waxaa ka mid ah Taliyaha Arrimaha Dibadda, Gökhan Demirtola, iyo Taliye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Turgay Olgun.
Masuuliyiinta Turkiga waxaa si rasmi ah garoonka Muqdisho ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana la qorsheeyay in wafdigu kulammo la yeeshaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya.




