Addis Ababa (Dawan)- Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay aqoonsiga hal-dhinac ah ee ay Israa’iil u sameysay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid si cad u jebinaysa madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda dhuleed iyo xasilloonideeda.
Bayaan kasoo baxay shirkii wasiirrada arriimaha dibadda ee Golaha ayaa goluhu ku muujiyay “walaac weyn” oo ku aaddan tallaabada Israa’iil, isaga oo ka digay in ay khatar ku tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Golaha ayaa si cad ugu baaqay in aqoonsigaas si degdeg ah dib looga noqdo.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa mar kale adkeeyay ku-dhegganaantiisa mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah, isagoo xusay in uusan jirin cid ama hay’ad xaq u leh inay wax ka beddesho xuduudaha dhuleed ee dowlad xubin ka ah Midowga Afrika. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid waxba kama jiraan ah, isla markaana aan lahayn wax saameyn sharci ah.





