Muqdisho, 5 Janaayo 2026 (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu berri u safro dalka Kenya, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo diblomaasiyadeed, iyadoo socdaalkani ku soo beegmayo xilli ay gobolka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo sii xoogaysanaysa.
Safarka madaxweynaha ayaa imanaya wax yar kaddib markii uu booqday kulan saddex-geesood ah oo horey loo qorsheeyay inay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Kenya iyo Itoobiya, kaas oo lagu waday in looga arrinsado arrimo quseeya amniga iyo iskaashiga gobolka. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in dib-u-dhigista kulankaasi ay la xiriirto xaaladda kacsan ee ka dhalatay aqoonsigii Israa’iil ay u fidisay Somaliland.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin ujeeddada booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Kenya, balse falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in safarku qeyb ka yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ku doonayso inay ku xoojiso mowqifkeeda ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana ay ku raadinayso taageero goboleed iyo mid caalami ah.





