Soomaaliya, 1-da Maarso (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa Sabtidii sheegtay in in ka badan 40 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgallo qorsheysan oo laga fuliyay gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed, iyadoo lala kaashanayo saaxiibbada caalamiga ah.
War qoraal ah oo ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in hawlgalladu beegsadeen dagaalamayaal ku jiray abaabul iyo diyaar-garow weerarro ka dhan ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkii koowaad ayaa ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo isgoyska Madaxyo-weyn oo u dhow magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 17 dagaalame, sida ay hay’addu sheegtay. NISA waxay intaas ku dartay in kooxdaasi isu diyaarinaysay weerarro ka dhan ah gudaha iyo hareeraha Maxaas, isla markaana la burburiyay dhowr goobood oo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Hawlgalkii labaad ayaa ka dhacay aagga Buulo-Naagey ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay 23 dagaalame. NISA ayaa sheegtay in xubnaha halkaas lagu beegsaday loo diyaarinayay inay carqaladeeyaan fariisimaha ciidanka iyo dhaqdhaqaaqyada amniga ee gobolka.






