Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa maanta oo Sabti ah si adag u cambaareeyay weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn ee ay Iran ku qaaday Bahrain, Qatar, Imaaraadka Carabta, Kuwait iyo Sucuudiga, isagoo ka digay in xiisaddani ay sii xoojin karto xasillooni-darrada Bariga Dhexe.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa weerarradan ku tilmaamay xadgudub cad oo ku saabsan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka la beegsaday, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay hoos u dhigaan xiisadda isla markaana dib ugu laabtaan wadahadalada.
Yuusuf ayaa xusay in ficilladan khatar gelinayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo in dhinacyadu muujiyaan xakamayn iyo mas’uuliyad.
Waxa uu Midowga Afrika ku adkeeyay in ururku si buuxda ula jiro dowladaha iyo shacabka dalalka ku waxyeellobay dagaalka, islamarkaana uu taageerayo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.







