Jabuuti (Dawan)– Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada iyo falalka gardarrada ah ee ay Iiraan ku qaaday dhowr dal oo Carbeed, iyadoo ku tilmaamtay “xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanidooda iyo qarnimadooda dhuleed.”
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu muujiyay “garab istaag buuxa” ee Boqortooyada Sucuudiga, Dowladda Kuwait, Dowladda Qatar, Imaaraadka Carabta, Dowladda Bahrain iyo Boqortooyada Urdun, iyadoo xaqiijisay taageerada tallaabo kasta oo ay dalalkaasi ku difaacayaan naftooda iyo dadkooda. Qoraalka ayaa xusay in dalalkan ay ku baaqayaan nabad ayna ka qeyb qaadanin dagaal.






