Muqdisho, Janaayo 23, 2026 (Dawan)– Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa maanta oo Jimco ah sheegtay inay gacanta ku dhigtay shan xubnood oo ka tirsan shabakad ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheynayay weerarro lagu beegsado caasimadda Muqdisho.
War-saxaafadeed ay NISA ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in hawlgalka lagu fashiliyey khataro amni oo si toos ah u halis gelin lahaa xasilloonida magaalada, kadib markii hay’addu si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa shabakaddaasi.
NISA waxay tilmaantay in tuhmanayaashu ay doonayeen inay si qarsoodi ah ku soo galaan Muqdisho si ay u fuliyaan falal amni-darro ah.





