Jigjiga, (Dawan) – Kalfadhigii labaad ee golaha dhexe ee xisbiga ONLF ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Jigjiga, iyadoo lagu gorfeynayo xaaladda ururka iyo diyaar-garowga doorashooyinka Itoobiya ee soo socota. Kalfadhigan oo socon doona saddex maalmood ayaa sidoo kale diiradda lagu saaraya qiimaynta waxqabadka xisbiga lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Guddoomiye ku xigeenka ONLF, Axmed Cabdullaahi, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saari doono dib-u-eegista qaab-dhismeedka ururka iyo diyaar-garowga doorashooyinka. "Kulankan wuxuu muhiim u yahay qiimaynta waxqabadka xisbiga iyo sidii aan ugu diyaar garoobi lahayn doorashooyinka soo socda," ayuu yiri Axmed Cabdullaahi.
Xubnaha ururka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa ka qayb galay kalfadhiga, iyaga oo dhiibay talooyin iyo fikrado ku saabsan xoojinta hababka ururka, dib-u-eegista xeerarka, iyo qaabka ONLF uga qeyb qaadan doono doorashooyinka. Golaha dhexe, oo ah hay'adda ugu sareysa ee xisbiga ONLF, ayaa shirar noocan ah qabta lixdii biloodba mar si loo hubiyo in ururka uu ka jawaabayo baahida shacabka uu u adeegayo.






