Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Prof: Afyare Cabdi Cilmi, Agaasimhii hore ee Machadka Cilmi Baarista ee Heritage
Marka la fiiriyo dhaqanka ka jira xiriirka calamiga ah ee dhexmara dowladaha, waa sax dowlad tabar yar oo ka baqeysa in deriskeeda oo ka xoog-badan uu boobo, inay taageero iyo xulufeysi amni-doon ah la gasho dalalka awoodda leh.
Waan taageerayaa in Soomaaliya ay raadiso oo ay hesho saaxiib awood leh oo ay ku tiirsato.Qormooyinka aan qorayna waan uga fallooday marar hore, waxaanse la yaabay sida ay mar walba hey’adda fulintu u macna-tireyso baarlamaanka.
Waan rumeysnahay in xubnaha baarlamaanka badidoodu ay taageeri lahaayeen waayo Turkey waa dowlad ay siyaasiyiiinta iyo shacabka inta badan ku kalsoon yihiin.






