By Asha Elmi
GAROWE, Soomaaliya –Puntland ayaa shaacisay in howlgallo cirka iyo dhulka ah oo wadajir ah ay ku qabsadeen Togga Mirale ee Buuraha Caalmiskaad, taasoo ahayd xarun muhiim ah oo xubno ka tirsan kooxda Daacish ay ku dhuumanayeen.
Sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen Ciidamada Ka Hortagga Argagixisada Puntland 31 May 2025, howlgalkan ayaa ka dambeeyay duqeyn cirka ah oo ay fulisay AFRICOM, oo ah iskaashi muhiim u ah Puntland, taasoo bartilmaameedsatay kooxaha Daacish ee ku dhuumanayay koonfurta Togga.
“Ciidamada howlgallada ka-hortagga argagixisada Puntland ayaa qabsaday Togga Mirale ee Buuraha Calmiskaad, hawlgal wadajir ah oo cirka iyo dhulka ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidanka.






