Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in nidaamka qandaraasyada dowladdu uu noqday mid door muhiim ah ka qaata horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada, kaddib markii sanadka 2025 la bixiyay 233 mashruuc oo ay ka faa’iideysteen 33 hay’adood oo kala duwan.
Warbixin sanadle ah oo ay soo saartay Guddiga Qaranka ee Qandaraasyada Dowladda (CNMP) ayaa lagu muujiyay in qandaraasyadan la siiyay 33 hay’adood oo qandaraas bixiyeyaal ah, iyadoo wadarta qiimahoodu gaarayo 28.5 bilyan oo Faran Jabuuti ah oo qiyaastii u dhiganta $160 milyan oo Doolarka Maraykanka ah.
Warbixintu waxay tilmaamtay in nidaamka qandaraasyada uu noqday aalad muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha, iyadoo lagu garary horumar la taaban karo oo dhinacyada maamulka, kormeerk iyo hufnanta ah. Dowladda ayaa sidoo kale habraacyada maamulka, iyadoo si tartiib tartiib ah uu hirgeliisay dijitaaleynta nidaamka, taas oo fududeysay daba galka iyo daahfurnaanta geeddi-socodka qandaraasyada.
Sidoo kale, warbixintu waxay iftiimisay in shirkadaha gudaha ay si weyn uga faa’iidysteen qandaraasyada la bixiyay, iyadoo 78.54% qandaraasyada la siiyay shirkado Jabuutiyiin ah, taas oo ka dhigan 53.76% wadarta qiimaha mashruucyada.
