Kenya 16 Maarso 2026 (Dawan)— Madaxweynaha Kiiniya, William Ruto, ayaa dhagax dhigay dhismaha waddo muhiim ah iyo suuq casri ah oo laga hirgelinayo ismaamulka Busia ee galbeedka dalkaas, kuwaas oo la filayo inay kor u qaadaan ganacsiga isla markaana fursado dhaqaale u abuuraan dadka deegaanka.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay mashruuca waddada Nangina–Sio Port–Okados–Mundere, oo dhererkeedu yahay 13 kiiloomitir, kuna kacaysa qiyaastii 860 milyan oo shilin oo Kiiniyaan ah, taasoo la filayo inay xoojiso isku xirka gaadiidka ee u dhexeeya degmooyinka Funyula iyo Budalang’i.
Ruto ayaa sheegay in mashruucan waddo uu fududeyn doono isu socodka dadka iyo badeecadaha, isla markaana uu furayo fursado dhaqaale oo cusub oo ay ka faa’iideysan karaan ganacsatada iyo beeralayda ku tiirsan suuqyada deegaanka.
“Muddo dheer horumarka Kenya waxaa dib u dhigay hoggaan aan lahayn aragti fog. Xilligaas wuu dhammaaday,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo intaas ku daray in dowladdu hadda ku howlan tahay maalgelin qorsheysan oo lagu horumarinayo qaybaha muhiimka ah ee dalka.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Ruto ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dhismaha Suuqa Casriga ah ee Budalang’i, oo ah mashruuc qiimihiisu gaarayo 130 milyan oo shilin oo Kiiniyaan ah.








