Soomaaliya (Dawan)- Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu deeqaday $800,000 gargaarka abaaraha ee guud ahaan deegaaannada Soomaalida, sida ay shirkaddu ku dhawaaqday Axaddii.
Lacagta ayaa loogu talagalay qaybinta biyaha, raashinka, iyo gargaarka degdegga ah ee dadka ay hadda saameeyeen abaaruhu.
Shirkadda ayaa sheegtay in deeqdan ay qayb ka tahay mas'uuliyadda bulshada ee shirkadda (Corporate Social Responsibility) si loo caawiyo bulshooyinka Soomaaliyeed ee wajahaya caqabadaha bini'aadantinimo iyo si loo horumariyo xaaladaha nolosha ee deegaanka.








