Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Agaasimhii hore ee Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin.
Hodantinnimo waa fiinta ugu saraysa ee hanaqaadka qofeed iyo kan qaran labadaba. Bulshaduna waxay baraare ku naalootaa kolkuu bislaado garaad wadareedkeeda.
Haddiise uu kala dhantaalmo hanka ummadda iyo hab fakarka hogaankooda, waxaa dhexdooda fariista qabjab, waxayna qarka u fuulaan inay wax kasta iska mala awaalaan, waxayna la guur-guuraan dareenka ay ka helaan wareerka sida qorshaysan amaba fawdada ah loogu soo dhex tuuro marba marka ka dambeysa.Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo. Ummadaha haysta nolol maalmeedkooda waxay dajistaan sidii ay xitaa uga saari lahaayeen waxyaaba la fisho inuu kamid noqdo faqrigu. Waa tan dowladaha qaarkood haddeer meel usii dhigaan jiilal imaan doona saddex boqol oo sano kaddib dhaqaalihii ay ku deeqtoomi lahaayeen.Farqi aad u weyn baa u dhaxeeya baahiyaha ay bulshooyinku qabaan. Qaar quutul yoonka bey xal u raadiyaan, qaarna horumar sidii lagu gaari lahaa bey ka fekiraan.
Soomaalidu tan hore bay la tacaalayaan, waxaase kasii xanuun badan haddii ay saboolnimada gasho maankii la rabay inuu dajiyo siyaasaddii dalka iyo dadka ay hodantinnimo ku gaari lahaayeen.Hogaamiyuhu waa inuu lahaadaa fogaan arag xadkeedu yahay inta hankiisu la’eg yahay, waana iney jiraan qorshe hawleed la fulinayo, dadkuna wada arkayaan, kana rajo qabaan in la gaari doono hankaas.
AABBE KAALAY ARAG WAXAY IGU HAYSAY BEY ISKU HAYSAAYEDad badan oo Soomaaliyeed baa rumaystay in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay mas'uul ka ahayd dib u dhicii doorashada dalka oo si xad dhaaf ah u jiitantay.
Dad badan wey xusuustaan in Madaxweynaha khudbad dheer ka jeediyey xaaladdaas, oo si qayaxan farta ugu fiiqay in Madaxweynaha Puntland isagoo fulinayo ajande shisheeye uu mar walba dib u dhigayey doorashada. Ilaahay mahaddiis bacda tacab washidda wey hirgashay doorashadii.Xaaladda ka taagan Puntland cid walba wey aragtaa, hal qof oo kamid ah hoggaanka siyaasadda ama dhaqanka oo garan kara mustaqbalka soo muuqda ee maamulkaas majiro, waxay maraysaa mugdi iyo mala awaal, waana mid aysan mudneyn shacabka reer Puntland.Waxaan ogahay qorshaha Madaxweyne Saciid Deni inuu yahay mid loo soo dhiibay oo uusan isagaba xitaa lahayn, waana isla qorshihii kaga fashilmay dhanka Dowladda Federaalka.Qorshahaasi wuxuu yahay, in awoodda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya mar walba hoos loo dhigo, dalkana lagu baahiyo degenaasho la’aan joogta ah.
Taasna waa istaraatiijiyad u muuqata dal Carbeed oo aaminay in horumarka iyo degenaashaha Soomaaliya khatar ku yahay jiritaankooda fog ee dhaqan dhaqaale.Madaxweyne Deni, wuxuu doonayey in Muqdisho dunto, oo dowlad taag daran noqoto ugu yaraan, shir kastana caqabad hor leh ayuu keenayey.
Waxaase nasiib darro ah maanta isagoo xilkii ugu sarreeyey Puntland wali ku fadhiyo, oo uusan haysanin cid kale oo eedda kula shirkowda, uuna fulinayo wax kasta oo uu maamulkii Madaxweyne Farmaajo ku eedeyn jiray.
Halka su’aal ee ay tahay qof walba inuu is weydiiyo, haddii Madaweyne Deni shalay uu sharxay sababihii ay isku khilaafeen Madaxweyne Farmaajo, bal hanoo sharxo waxay maantana isugu dhaceen Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow kuulama eka sheekadii ahayd ‘Aabe kaalay arag, waxay igu haysay bey isku haysaaye'. Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?’
PUNTLAND OO SIDA YAMAN LAGA DHIGI RABOIsimada iyo wax garadka Puntland haddaysan tallaabo degdeg ah oo wada jir ah qaadin, waxay soo baraarugi doonaan mar uu xalkii sii fogaaday. Haddaad moodaysaan dooddu iney tahay muran doorasho, ama muran siyaasadeed, xog badan baa idin ka maqan ee qorshuhu wuxuu yahay, Puntland iney daciifto ilaa ay dunto, si xeebeeheeda iyo khayraadkeeda looga saxiixdo guddoomiye degmo, oo aanan lahayn cid la xisaabtami karta. Waa sida haddeer Yaman ka socota. Gobol gobol iyo degmo degmo ayaa loo kala jaray oo mid walba maamul iyo ciidan u gaar ah baa loo sameeyey.
XABBADII XASAN SHEEKH IYO XALKII FARMAAJOTaariikhda dhaw ee dunida casriga ah kuma xusna in Madaxweyne xilka ka dagay, oo waliba si dimuqraadi ah ku wareejiyey, inuu isku baddalo dagaal ooge qori sita oo jabhad furtay, oo ciidankii qaranka kala qaybiyey. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda dunida meel weyn uga qormi doonta.Madaxweyne Xasan baa subax lagu baraarugay isagoo hub iyo ciidan uu hormuud u yahay oo guri Mirinaayo ku yaalla dagay oo leh, haddaysan doorasho waqtigeeda ku qabsoomin, waxaan ka door bidayaa in dalku dumo oo dowladdu burburto.
Haddii hal maalin uu Farmaajo Villada kusii jiro, dadka ayaan qixinayaa, xabbaduna wey soconeysaa. Waliba, waa ficil uu ilaa haddeer ku faano Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow lama wada xusuusto hadalkii ahaa Maxamedoow soobax!Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu maalintaa go’aansaday inuusan sabab u noqon burbur dalka soo gaara, taladiisa ayuu dhiibtay, qorise xal kama raadinin, waayo aqoon buu u leeyahay dagaalka natiijadiisa.Shacabka Soomaaliyeed waxaan hortooda dhigayaa hal su’aal.Haddii Madaxweyne Farmaajo isagana xukunka isku sii dhajin lahaa oo uu diidi lahaa inuu ka laabto go’aankii Baarlamaanka, ilaahay baan idin ku dhaarshayee maanta xaalka Soomaaliya sow kama sii liidateen siday tahay maanta xaaladda Suudaan?Waad xusuusataano, wuxuu yiri Farmaajo: "Xamar barakac uma ogoli, qaxna uma ogoli, waa magaaladii aan ku dhashay".Muranka ka dhasha arrimaha doorashada in qori lala aado waa sunnada uu jideeyey Madaxweynaha haddeer talada haya, dalkana wey ku sii faaftay oo waaba looga wada daydaa.Laba walba isa saarayoo, laba tagoog marna isma saarin. Maankayga waxaa gali la’ ‘ABKEY DOORASHO DAGAAL U RIDOOW DASTUUR MAW BADDALI RABAA?’ Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?
CIMRI TAGAY CEEB HAKU SAGOOTINMudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa tahay hoggaamiyaha kaliya ee laba jeer oo isku xigta la doortay taariikhdeenna siyaasiga ah, mana filayo inaad mar saddexaad rabto amaba aadba heleyso.Haddaad shalay soo saartay warqad aad leedahay dalka lagama hirgalin karo doorasho aanan loo dhammayn.Haddaad shalay tiri, doorashada halagala soo heshiiyo Maamul Goboleedyada oo hay’adaha Federaalka halaga wareejiyo.Haddaad shalay kuraasta Somaliland buuq siyaasadeed jiitamay aad hormuud ka ahayd. Haddaad taariikhda kursi doonka ee dunida oo idil u tahay, qofkii koowaad ee awooddiisa inta isticmaalay isku saxiixay warqad aad kursi doorasho kaligaa isugu xirtay.Haddaad tahay Odayga ugu da’da weyn inta maanta talada qaranka haysa.Farriintayda hal kalmad unbaan kuugu soo koobayaa. Dastuurka baddelkiisa oo ay Somaliland iyo Puntland aysan kamid ahayn, cimrigaaga siyaasadeed ceeb haku sagootin. Saboolnimo siyaasadeed yeysan kugu dhicin.
ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADATaariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Raisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa. Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taas, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah.Tan kale. Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA).Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa "SADAQO SIYAASADEED". Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo.







