Muqdisho, 11 Janaayo 2026 (Dawan)– Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa cusub ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Marwo Jing Song, iyadoo diiradda la saaray xoojinta iskaashiga lagu gaari karo xalal waara oo loo helo dadka ku barakacay gudaha dalka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in kulanka lagu falanqeeyay xaaladda adag ee malaayiinta barakacayaasha ah ee ay saameeyeen colaadaha daba-dheeraaday iyo masiibooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada, gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda. Waxaana si gaar ah loo adkeeyay baahida loo qabo diiwaangelin sax ah, ilaalin sharciyeed iyo helidda adeegyada aasaasiga ah.
"Kulanku wuxuu diiradda saaray wax ka qabashada walaacyada degdegga ah ee dadka gudaha ku barakacay iyo qaxootiga, iyo sidoo kale kor u qaadista dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo dadka aan haysan dhalashada ama aqoonsiga rasmiga ah (statelessness)," ayay wasaaraddu ku tiri qoraal ay soo saartay.
Qoraalka Wasaaradda waxaa lagu xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la dardargeliyo diiwaangelinta madaniga ah, taas oo muhiim u ah xaqiijinta aqoonsiga shakhsiyaadka, helidda adeegyada dowladda, iyo ka-qaybgalka qorshayaasha horumarinta qaranka, gaar ahaan dadka aan haysan dukumentiyo rasmi ah.






