Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) ayaa ka digtay in xaaladda abaarta ee ka jirta qaybo badan oo dalka ka mid ah ay gaari karto heer halis ah, haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, taas oo keeni karta in tirada dadka u baahan gargaar bini’aadantinimo ay gaarto 7.1 milyan inta u dhaxeysa bilaha Febraayo ilaa Abriil 2026.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macalin, oo warbixin faahfaahsan ka jeediyay kulan ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in 4.7 milyan oo qof ay haatan si toos ah u saameysay abaarta, halka malaayiin kale ay wajahayaan khatar sii kordheysa.
Isagoo la hadlayay warbaahinta Dawan, Guddoomiyaha SODMA ayaa sheegay in hay’addu ay durba billowday diyaarinta Qorshe Gurmad Qaran oo Degdeg ah, iyo sidoo kale abaabulka iyo hirgelinta Sanduuqa Gurmadka Degdegga ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, si loo helo ilo dhaqaale oo joogto ah oo lagu wajaho xaaladda abaarta.
“SODMA waxay durba bilowday diyaarinta Qorshe Gurmad Qaran oo Degdeg ah, iyo abaabulka Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah, si loo helo dhaqaale joogto ah oo wax looga qabto khataraha masiibooyinka,” ayuu yiri Maxamuud Macalin.
Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in SODMA ay qaadayso tallaabooyin ka hortag ah, ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin, isagoo si gaar ah u tilmaamay taageeridda beeraleyda yaryar, biyo-dhaaminta, qodista ceelal biyood, iyo sameynta barkado lagu kaydiyo biyaha roobka.
“SODMA waxay diiradda saareysaa tallaabooyin kahor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin, oo ay ka mid yihiin taageeridda beeraleyda yaryar, biyo-dhaamin, qodista ceelal, iyo samaynta barkado lagu kaydiyo biyaha roobka,” ayuu raaciyay.





