Hargeysa, 11 Janaayo 2026 (Dawan)– Somaliland ayaa si adag u cambaareysay hadallo ay ku sheegtay inay kasoo yeereen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tilmaamtay faragelin millateri oo shisheeye oo lagu qaado Somaliland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa lagu sheegay in hadalladan ay yihiin kuwo aan mas’uuliyad xanbaarsanayn oo jebinaya sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay.
Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Somaliland aysan hoos tegin xukunka Muqdisho, oo ay madax-bannaanedeeda lasoo laabtay 1991, isla markaana ay xaq u leedahay difaaca dadkeeda iyo dhulkeeda.






