Jeddah ( Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo maanta ka hadlay kulankii deg-degga ahaa ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa ku eedeeyey Israa’iil in ay ku kacday tallaabo halis ah oo aan sharciga waafaqsanayn.
Wasiirka ayaa sheegay iin go’aanka sraa’iil ee aqoonsiga qaybaha waqooyiga-galbeed ee Soomaaliya sida dawlad madax-bannaan ay tahay waxba ka jirin sharci ahaan, islamarkaana jebinaysa midnimada iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu caddeeyey in deegaanada loo yaqaano Somaliland in aan la goyn karin oo ay ka tirsan yihiin Soomaaliya.
Tallaabadani waxay si toos ah uga hor imaaneysaa mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo qiyamka ururka, oo ay ka mid tahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalalka xubnaha ah, sida uu wasiirku sheegay.





