Muqdisho, 20 Jannaayo 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula yeeshay wada-hadal dhiggiisa Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha gobolka.
Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka, fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga wadajirka ah ee danaha ka dhexeeya labada dal, iyo dadaallada lagu adkaynayo nabadgelyada iyo horumarka waara ee Geeska Afrika.
Intii uu socday wada-hadalka, Madaxweyne Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo loo arkay fariin diblomaasiyadeed oo muujinaysa garab istaag siyaasadeed oo cad, xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto helidda xulufo ay uga hortgato go'aankii ay Israa'iil ku aqoonsatay Somaliland







