Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu baaqay dowladaha Carabta, gaar ahaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya, inay qaadaan tallaabo cad oo lagula dhaqmayo waxa uu ku tilmaamay dhaqdhaqaaqyo gooni-u-goosad ah oo ay waddo Somaliland.
Wasiir Fiqi, oo wareysi siiyay xalay telefishinka Al-Jazeera qaybtiisa af-Carabiga, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uu ku hawlan yahay qorshe uu ku tilmaamay mid khatar ku ah midnimada Soomaaliya, isla markaana halis ku ah xuquuqda shacabka Falastiin, iyadoo si qasab ah loogu soo rarayo deegaanada dhulka waqooyiga Soomaaliya.
Wuxuu dalalka Carabta ugu baaqay inay Cirro ula dhaqmaan si la mid ah sida loola dhaqmay hoggaamiyihii baxsaday ee Golaha kumeel gaarka guurka Koonfurta Yemen, Ceydaruus Al-Zubaidi, isagoo ku adkeeyay in loo baahan yahay cadaadis siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed si looga hortago tallaabo kasta oo dhaawacaysa midnimada Soomaaliya.
“Cabdiraxmaan Cirro, oo ah hoggaamiyaha gooni-u-goosadka, wuxuu la mid yahay Ceydaruus Al-Zubaidi oo ka soo cararay Yemen" ayuu yiri Wasiir Fiqi.





