Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dadaalladeeda ku aaddan soo celinta awoodda lacagta Shillin Soomaaliga, taas oo qayb ka ah isbeddelada ballaaran ee maaliyadeed ee uu taageero Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), sida lagu xusay warbixin cusub oo ay IMF soo saartay.
Qorshahan oo uu hoggaaminayo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, wuxuu ku saleysan yahay mashruuc lagu beddelayo lacagihii hore oo ay ku jirto tan hadda la adeegsaado, iyada oo la soo saari doono noocyo cusub oo Shillinka Soomaaliga ah. Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dalka, isla markaana ah tiir ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo dib u habeynta maaliyadeed iyo xasilloonida dhaqaalaha.
Qorshahan isbeddelka ah waxaa ku jira in Soomaaliya yeelato “Guddiga Lacagta” (Currency Board), iyada oo Shillinka Soomaaliga lagu taageerayo kaydka lacagaha ajnabiga ah ee Bangiga Dhexe. Qaabkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo kalsoonida lagu qabo lacagta, iyada oo si weyn loo xaddidayo awoodaha siyaasadda lacageed ee maamulka, loona xaqiijinayo xakameynta adag ee soo saarista lacagta.
Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa sheegay in diyaar-garowga farsamo ee lagu beddelayo lacagta uu si wanaagsan u socdo, iyadoo mas’uuliyiinta Soomaaliya ay wadaan dadaallo lagu heliayo maalgelin wadajir ah iyo heshiis rasmi ah oo lala gaaro dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ka hor inta aan la bilaabin hirgelinta mashruuca.
Si isbeddelladan u helaan saldhig sharci oo adag, waxaa la dhammeystirayaa hindise-sharciyeed lagu cusboonaysiinayo Xeerka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, si loo xoojiyo awoodda Bankiga, maamulka, madax-bannaanida, hufnaanta, iyo isla xisaabtanka.
Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya, kor u qaadida qiimaha lacagta qaran, iyo xasilloonida guud ee nidaamka maaliyadeed ee dalka.

