Muqdisho, 21 Janaayo 2026 — Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah si aqlabiyad leh u ansixiyay heshiiska dib-u-habeynta Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarka (IGAD), taas oo ah tallaabo lagu xoojinayo kaalinta Soomaaliya ee is-dhexgalka gobolka iyo fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamka.
Ansixinta heshiiskan ayaa ku timid cod aqlabiyad sare ah, kadib markii 141 xildhibaan ay u codeeyeen oggolaansho, labo ay diideen, halka hal xildhibaan uu ka aamusay. Kulanka Golaha Shacabka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa heshiiska lagu mariyey akhrintiisii saddexaad.
Maxay tahay mihiimadda heshiiskan?
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah., Aweys Xuseen Macallin, ayaa xildhibaanada u soo bandhigay faahfaahinta heshiiska, isagoo sheegay in axdiga cusub ee IGAD uu u gogol xaarayo xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah, gaar ahaan dhinacyada nabadda iyo amniga, horumarinta dhaqaalaha, la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo casriyeynta nidaamyada maamulka.
Dood iyo codeyn kaddib, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa sheegay in ka mid noqoshada iyo ansixinta heshiisyada ururrada goboleed iyo kuwa caalami ah ay muhiim u yihiin ilaalinta madax-bannaanida dalka. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad u baahan xoojinta xiriirrada dibadda si loo difaaco danaha qaran.
“Marka la eego duruufaha hadda jira, ka mid noqoshada ururrada caalamiga ah waxay door weyn ka ciyaartaa ilaalinta madax-bannaanida dalka,” ayuu yiri Cali Maxamed Cumar, isaga oo raaciyay “Ansixinta heshiiskan IGAD waxa ay naga caawinaysaa in Soomaaliya si buuxda uga faa’iidaysato fursadaha diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee gobolka.”







