Muqdisho ( Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta wada-tashi degdeg ah oo khadka taleefonka ah la yeeshay hoggaamiyayaasha gobolka, si looga wada hadlo go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.
Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya iyo khataraha amniga gobolka, kuwaas oo ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa khadka taleefonka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle; Madaxweynaha Kenya, Mudane William Ruto; Madaxweynaha Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan; iyo Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Museveni.
Hoggaamiyayaasha ayaa si mideysan u caddeeyey garab-istaaggooda buuxa ee madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya, iyagoo ku adkeeyey in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee midnimada dhuleed, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto wada-tashiyada caalamiga ah, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ee ku aaddan dariiqyada sharciga, diblomaasiyadda iyo siyaasadaha caalamiga ah, si loo difaaco madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Ururada caalamiga ah ee ay wada tirsan yihiin waddamadan ayaa soo saaray war-saxaafadeedyo si cad uga soo horjeeda aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyaga oo tilmaamay in talaabadan ay tahay sharci-darro ku xadgudbeysa qawaaniinta caalamiga ah.



