Muqdisho (Dawan)– Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan qorshaha ugu jirin hadda in si toos ah loo jaro xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in go’aanka ay dowladdu qaadatay uu ku kooban yahay oo kaliya baabi’inta heshiisyadii hore ee labada dhinac.
Wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera, wasiirku wuxuu ku caddeeyay in ilaa iyo hadda aysan jirin wax go’aan ah oo ku saabsan joojinta xiriirka diblomaasiyadeed ama iskaashiga guud ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi.
“Ilaa hadda go’aanka aan qaadannay wuxuu ku kooban yahay oo keliya baabi’inta heshiisyadii hore, mana khuseeyo arrimo kale oo dheeraad ah,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.






