Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Abiy Ahmed iyo taliska uu horjoogaha u yahay ee Addis Ababa fadhiya waxaa muuqata in uu marayo xaalad adag oo ay askartu awooddi xoogtay lana gabidhacleyneyso.
Wareysigi u dambeeyay ee uu Berhanu Jula bixiyo waxa uu tusaale u ahaa dowlad fashilantay oo askarigeedii tuutaha watay jiheynayo siyaasadeedi arrimaha dibadda kuna falaadaayo.
Jula iyo Abiy waxaa seegan in wiilka iyo gabadha Soomaaliyeed ee ku sugan Jigjiga, Boorama, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo ay isku heyb, diin, dhaqan, af iyo qadiyad yihiin, wax xuduud iyo khilaaf ah oo dhexyaalana aysan jirin, oo ay sugayaan inta aan firimbiga difaaca qaranka ka yeerineyno oo kaliya.







