Jabuuti – 7 Jannaayo 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhaariyey saddex xubnood oo cusub oo ku biiray Golaha Dastuuriga, taas oo ka dhigtay in tirada xubnaha Golaha laga kordhiyo lix xubnood, lagana dhigay sagaal xubnood guud ahaan.
Ballaarintan ayaa timid kaddib isbeddelladii dhowaan lagu sameeyey dastuurka, kuwaas oo fududeeyey ka qaybgalka Madaxweynaha hadda xilka haya ee doorashada soo socota ee bisha Abriil. Xubnaha cusub ee la dhaariyey waxaa ka mid ah Cali Faarax Casowe, oo ah wasiirkii hore, safiiraddii hore ee Jabuuti u fadhiday Kenya Maryam Axmed Goumaneh, iyo qareen Bilaan Maxamed Cali.
Madaxweyne Geelle ayaa xubnaha cusub ku booriyey inay ilaaliyaan dastuurka, isla markaana ka shaqeeyaan hufnaan iyo feejignaan si loo xoojiyo sharciyadda dalka.
"Waxaad tihiin ilaaliyayaasha Distoorka, kaas oo ah halbeegga ugu sarreeya ee sharciga Jabuuti," ayuu yiri Geelle





