Muqdisho (Dawan) – Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa martigelisay kulan diblomaasiyadeed oo u dhexeeyay Safiirka Turkiga, Alper Aktas iyo Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed Maxamed Al-Muwallad, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga saddex-geesoodka ah ee u dhexeeya Ankara, Riyadh iyo Muqdisho.
War kooban oo ka soo baxay Safaaradda Turkiga ayaa lagu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee ka jira dhinacyada amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taageerada hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn isku-dhafan oo ka tarjumeysa baahiyaha dhabta ah ee dalka.
Labada safiir ayaa carrabka ku adkeeyay doorka istiraatiijiga ah ee ay Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ku leeyihiin taageerada Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda ay ku jirto ee dib-u-dhiska hay’adaha, sugidda amniga, iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah. Turkiga ayaa muddo dheer ka mid ahaa saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya, isagoo taageero muuqata ka geysta tababarrada ciidamada, dhismaha kaabeyaasha, iyo mashaariic horumarineed, halka Sacuudi Carabiya ay door muhiim ah ku leedahay taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo midda bani’aadannimo.
Kulanka ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya xoojinayso xiriirka ay la leedahay saaxiibadeeda istiraatiijiga ah ee Bariga Dhexe, si loo helo taageero dheeraad ah oo la xiriirta xasilloonida dalka iyo dardar-gelinta geeddi-socodka dib-u-dhiska.







