Istanbul – 6-da Janaayo 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa mar kale xaqiijiyay in dalkiisu si buuxda u taageersan yahay madax-bannaanida dhuleed iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, intii uu socday wadahadal dhanka taleefanka ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga, Erdogan ayaa la wadaagay dhiggiisa Imaaraadka in Ankara ay si cad uga soo horjeeddo tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah, isla markaana halis ku ah xasilloonida Geeska Afrika.
Hoggaamiyaha Turkiga ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkigu ay weli ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya, isla markaana uu diyaar u yahay inuu kaalin wax ku ool ah ka qaato dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, degenaanshaha iyo xasilloonida gobolka.
Wadahadalkan heerka sare ah ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo xiisadda Geeska Afrika, kaddib markii Israa’iil ay 26-kii Diseembar si rasmi ah u shaacisay aqoonsiga ay siisay Somaliland, arrintaas oo dhalisay cambaareyn ballaaran oo ka timid dalal badan oo Carbeed, Afrikaan iyo Islaami ah.





