Ankara, 10 Janaayo 2026 (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in Ankara ay hoggaaminayso olole dublamaasiyadeed oo ballaaran oo lagu joojinayo wax kasta oo dardar gelin kara aqoonsi kale oo caalami ah oo ay Somaliland hesho, kaddib aqoonsigii ay Israa’iil ku dhawaaqday dabayaaqadii sannadkii hore.
Isagoo wareysi siiyay telefishinka TRT Haber habeenkii Jimcaha, Fidan ayaa sheegay in Turkigu uu si guul leh u fuliyay waxa uu ku tilmaamay “xakamayn dublamaasiyadeed oo khatar ah”, taas oo looga hortagayay in waddamo kale, gaar ahaan kuwa Reer Galbeedka, ay qaadaan tallaabo la mid ah tan Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay diiradda saartay wada-hadallo iyo gorgortan culus oo ay la yeelatay caasimadaha Galbeedka iyo quwadaha gobolka, si loo xaqiijiyo in aqoonsigii Israa’iil uusan isu beddelin mowjad aqoonsiyo is-daba-joog ah. Wuxuu xusay in diblomaasiyiinta Turkiga ay si hoose uga shaqeeyeen, ayna heleen ballan-qaadyo ka yimid dalal markii hore lagu tuhmayay inay ka fiirsanayaan arrinta aqoonsiga.
“Waxaan wadahadalo ballaaran la galnay Reer Galbeedka, waxaana samaynay dadaal dhab ah si aan uga hortagno in waddan kale uu aqoonsado [Somaliland]” ayuu yiri Fidan, isagoo intaas ku daray in ilaa hadda aysan jirin dowlad kale oo ku dayatay Israa’iil, isla markaana uu rajeynayo in mowqifkaas uu sii jiri doono.






