Laascaanood (Dawan) – Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u mamnuucday ka ganacsiga biraha qashinka (Scrap Metals), sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
War-saxaafadeedka oo soo baxay 12-ka Maarso 2026, kana soo baxay xafiiska Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda, ayaa lagu wargeliyay dhammaan ganacsatada, shirkadaha iyo hay’adaha ku hawlan ururinta iyo ka ganacsiga biraha qashinka in gebi ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqaas, laga bilaabo shalay ilaa amar dambe.
Qoraalka ayaa sidoo kale faraya in cid kasta oo ku hawlan ganacsiga biraha qashinka ay si degdeg ah u joojiso hawlaheeda, iyadoo la faray hay’adaha amniga, kastamka iyo xafiisyada maaliyadda gudaha inay si buuxda u fuliyaan go’aanka dowladda.







