Laascaanood (Dawan) – Dowlad Goboleedka Woqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu diiwaangelinayo dhammaan ilaalada gaarka ah iyo hubka ay adeegsadaan marka ay marayan gudaha magaalada Laascaanood, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid lagu xoojinayo amniga guud iyo kala dambeynta magaalada.
Wasaaradda Amniga ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan hoteellada, shirkadaha, xarumaha caafimaadka iyo cid kasta oo adeegsata ilaalada gaarka ah laga doonayo inay si rasmi ah u diiwaangeliyaan shaqaalahooda iyo hubka ay haystaan.
Diiwaangelintan ayaa bilaaban doonta 26-ka Maarso 2026, iyadoo ay ku egtahay 2-da Abriil 2026. Maamulka ayaa u qabtay waqti kooban si loo hubiyo in dhammaan ilaalada ku sugan magaalada ay galaan nidaam sharci ah oo la socon kara dhaq-dhaqaaqooda iyo hubkooda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ujeeddada amarkan ay tahay xoojinta sugidda amniga, ka hortagga falalka amni-darro, iyo hubinta in hubka lagu dhex wato magaalada uu yahay mid sharciyeysan oo la og yahay cidda haysata.
