Muqdisho (Dawan)- Xagee ku dambeeyay isbaheysigii saddex geesoodka Geeska Afriia ee Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ? Qeybta 1-aad W/D: Calinuur Salaad
BADDA GADAASHEED…. OOHINTU ORGIGA KA WEYN
Maxay isku hayaan Soomaaliya iyo Ethiopia oo aan horay laguugu sheegin?
Waa xaqiiqo iska cad oo la wada dareemi karo in Ethiopia ku riyooneyso inay mar uu marin badeed yeelato, oo ay wax kala soo dagto, wax soo saarkeeda ka ka dhoofiso, kheyraad kala soo baxdo, haddii ay doontana duullaan ka qaado. Balse xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Ethiopia u dhaxeysa intaa waa ay ka qota dheertahay oo waxaa jira arrimo kale oo aan kor loo sheegin oo maamulka Addis ababa dhiigga ku karinaya.
Bishii May sannadkii 2022 markii la doortay Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qaaday tallaabooyin degdeg ahaa oo u muuqday inay horay ugu sii qorsheysnaayeen:
Tirada dadka, ciidanka malaayiinta ah iyo muddada dheer ee Ethiopia xasilneed waa awood aan la dhayalsan karin marka la barbardhigo Soomaaliya, balse kala diristii Isbaheysiga Geeska waa dhibic ay Soomaaliya kala soo hoyatay koox muddo dheer champion ahayd.Duullaan guuleystay oo uusan dhiig ku daadan ayaa lagu sifayn karaa . Kaliya waa mid kamid ah waxyaabihii dhiigga ku karinayay Abiy. Alleylehe Soomaalidu siyaasad baratay.


