Mogadishu (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taas oo noqon doonta xarunta ugu weyn ee hay’adda, isla markaana yeelan doonta dhammaan qeybaha kala duwan ee wasaaradda oo hadda ku yaalla meelo kala duwan.
Dhismahan cusub ayaa laga dhisi doonaa degmada Boondheere, halkaas oo markii hore ay ku taalay xarunta wasaaradda xilliyadii dowladdii dhexe ee militariga ahyd. Xarunta cusub ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu mideeyo dhammaan qeybaha wasaaradda, isla markaana la fududeeyo adeegyada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhagax dhigidda xarunta ku tilmaamay talaabo muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaallada dowladda ee horumarinta kaabayaasha waxbarashada iyo hagaajinta adeegyada bulshada.
“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya in ay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa in ay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Xarunta cusub ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah qorshaha dowladda ee lagu mideynayo adeegyada wasaaradda, iyadoo la rajeynayo in dhismaheedu uu ku soo dhamaado dhawaan.
Munaasabadda dhagax dhigista ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Banadir, iyo qaar ka mid ah xubnaha wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.